Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta Community Shield-ka Sabtida kulanka dhexmari doona kooxaha Liverpool & Arsenal.

4 Todobaad kadib markii ay Arsenal ku guulaystay FA Cup-ka waxa garoonka Wembley ka bilaaban doona xilli ciyaareedka cusub ee 2021/2022.

Arsenal ayaa kaliya Isiintii ku soo laabatay tababarka kadib markii xiddigaha la siiyay 3 todobaad oo fasax ah kadib ku guulaysigii FA Cup-ka.

Dhanka kale Liverpool ayaa muddo 2 todobaad ah qaadanaysay tabaabrka xilli ay xitaa 2 kulan ciyaartay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Owen ayaana aaminsan in wakhtiga dheer ee tababarka iyo Kulamada Liverpool ay noqon doonta mid muhiim u ah kulanka ka dhici doona Wembley.

“Liverpool waxa ay rikoodh fiican ku leedahay kulamada garoonkeeda laakiin rikoodh fiican kuma lahan kulamada martida ah”ayuu Owen yidhi.

“Waxa aan filayaa in goolal badan la kala dhalin doono labada kooxoodna ay si fiican u ciyaari doonaa”ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Owen ayaa sheegay in uu Pierre-Emerick Aubameyang Arsenal u dhalin doono goolka 1-aad ee ciyaarta Laakiin Liverpool 3/1 ku badin doonto ciyaarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here