Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Blackpool Kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa iskudiyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Reds ayaa ciyaartay kulankeedii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ka hor bilaabashada difaacashada horyaalka Premier Leaggue.

Kooxda Blackpool ayaa Liverpool kaga naxsatay goolal wakhti hore ah kadib markii ay daqiiqadii 15-aadba dhaliyeen goolka 1-aad oo uu u dhaliyay xiddiga CJ Hamilton.

Daqiiqadii 30-aad ayay Blackpool soo laabatay iyaga oo uu xiddiga Jerry Yates u dhaliyay rikoodhe ciyaartana ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayaan.

Daqiiqadii 43-aad ka hor dhamaadkii qaybta hore ee ciyaarta ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xidiga Joel Matip kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Qaybtii dambe ayay Liverpool su dar-dar leh ku bilaabaatay iyaga oo ay ka go’nayd in ay ciyaarta guul ka gaadhaan kuna soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 52-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ay bar-baro ku yihiin labada kooxood.

Roberto Frimino ayaa daqiiqadii 54-aad dhaliyay goolka 3-aad ee Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Wiilasha Klopp ayaa sii waday goolasha kadib markii uu xiddiga da’yarka ah ee Harvey Elliott U dhaliyay goolka 4-aad daqiiqadii 69-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2.

Xiddiga Takumi Minamino ayaa goolkiisa dhiibtay daqiiqadii 71-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/2 ka hor inta uuna xiddiga Divock Origi Dhalin goolka 6-aad ciyaarta.

Liverpool ayaa goolasha soo xidhay daqiiqadii 87-aad kadib markii uu goolka 7-aad dhaliyay xiddiga Sepp van den Berg kaas oo ciyaarta ka dhigay 7/2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here