Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona u sheegtay in ay Bixiso lacag ka badan 90 Milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Sadio Mane sida ay sheegayaan Wararku.

Kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa Sadio Mane kaas oo ay u doonayaan badalka Lionel Messi kaas oo isaga tagaya Camp Nou xagaagan.

Mane ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guulaha Liverpool ee sanadihii ugu dambeeyay laakiin xiddiga 28 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu u furanyahay in uu ku biiro Barcelona.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Red dalbanayso lacag aad u badan hadii ay fasaxayso xiddiga Mane maadama ayna ku qasbanayn in ay iibiyaan xiddiga waliba 3 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda.

Liverpool ayaa taariikh u leh in ay xiddigo ka iibiso Barcelona iyada oo sanadihii ugu dambeeyay ka iibisay xiddigaha Javier Mascherano, Luis Suarez & Philippe Coutinho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here