Kooxda Liverpool ayaa Maanta ciyaari doonta kulankoodii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo la ciyaari doona kooxda Mayalka Adag ee RB Salzburg.
Reds ayaa kaliya Sabtidii ciyaartay iyaga oo 3 maalin kadib ciyaaraysa kulankii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Liverpool ayaa la filayaa marti u noqon doonta kooxda RB Salzburg kulan muhiim ah oo ay Liverpool isugu diyaarin doonto kulanka Sabtida ee Arsenal.
Kulanka ayaa soo dhici doona 5:00 Galabnimo wakhtiga geeska Africa waxana aad ka daawan kartaa Channel-ka beIN SPORTS HD 1.
Kadib kulanka Liverpool ayaa ku laaban doonta England iyaga oo halkaas isugu diyaarin doona kulanka Community Shield-ka ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.