Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta ay Watford doonayso in ay ku iibiso xiddiga Ismaila Sarr.

Xiddiga 22 jirka ee Ismaila Sarr ayaa bartilmaameed u ah kooxda Liverpool tan ilaa markii uu xiddigu 2 gool ka dhaliyay Liverpool kulankii ay Watford garaacday Liverpool xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa xiddig ay la tartansiiso xiddigaha weerarka uga ciyaara ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Laakiin Watford ayaa si cad ugu sheegtay Liverpool in ay kaliya xiddiga reer Senegal ku fasaxayso kaliya lacag dhan 40 milyan oo euro.

Liverpool ayaana la sheegayaa in ay haatan diyaar u tahay in ay bixiso lacagta ay Watford doonayso in ay ku iibiso xiddiga ee 40-ka Milyan ah sida uu sheegayo wargayska The Sun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here