Kooxda Liverpool ayaa la fikireysa go`aan ay ka qaataan mustaqbalka Firminho ee qalcadda Anfiled
Laacibka reer Brazil waxa uu hishiiskiisa LIverpool dhacayaa xagaaga 2023-ka taasi oo ah dhamaadka xilli ciyareedka
Ilaa haatan ma jiraan hishiis laacibka iyo Liverpool ay wada gaareen waana midda keeni karta in kooxda uu doono wada xaajood uu la yeesho
Sidaas oo ay tahay The Sun ayaa soo xiganeysa in Liverpool ay doonayaan in todobaadkaan kulan la qaataan laacibka si go`aan loo wado gaaro.
Warka waxa uu intaas ku darayaa in kooxda Klopp ay laacibka u bandhigayaan hishiis hal xilli ciyaareed ah ee uu ku sii dari karo mid dheeraad ah
Liverpool ma doonayaan in hishiis muddo dheer ah siiyaan Firminho marka la eego siyaasada kooxda u degsan ee ku aadan ciyaartooyda da`da 30-ka ka talaabay