Kooxda Liverpool ayaa guul ku bilaabatay dib u bilaabashada premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Aston Villa.

Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay kulanka iyaga oo Villa ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo wakhti hore ah.

Daqiiqadii 5-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo baas cajiib ah ka helay xiddiga Andy Robertson kaas oo hogaanka u dhiibay Liverpool.

Reds ayaa sii waday cadaadiska ay ku haysay kooxda Aston Villa xilli uu Nunez fursado badan iska khasaariyay.

Aston Villa ayaa dhinaceeda helaysay fursado ay ku samaynaysay weeraro rogaal celis ah iyo kubado ay ka daba tuurayeen daafaca Liverpool.

Daqiiqadii 37-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo hogaanka u dheereeyay koxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool si raaxo leh u ciyaartay isla markaas ka awood badnayd kooxda Aston Vila.

Qaybt dambe ayay Villa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay halis galiyeen goolka Liverpool bilowgii qaybta dambe waxana ay ka dhaliyeen gool ay VAR diiday sabab la xidhiidha Offside.

Kooxda Villa ayaa daqiqiadii 59-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa kana dhigay 2/1.

Aston Villa ayaa cadaadis waali ah saartay kooxda Liverpool iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaarta.

Daqiqiadii 81-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxnaa u dhaliyay xiddiga da’yarka ah ee Stefan Bajcetic kaas oo badal ku soo galay qaybtii dambe.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul ugu bilaabatay qaybta dambe ee xilli ciyareedka premier League.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here