Liverpool ayaa heshiis cusub miiska u saartay Roberto Firmino oo ay doonayaan in xagaaga ka saxiixdaan  sida  Football Insider ay sheegayso.

Qandaraaska Firmino ee haatan wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo la isla dhexmarayay in weeraryahanka laga yaabo in uu ka huleelo qalcadda Anfield.

Laakiin qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku bilowday xilli ciyaareedka cusub – todobadii gool ee uu ka dhaliyay Premier League ayaa keentay in loogu baaqo heshiis cusub.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Jurgen Klopp ay isha ku hayaan inay sii hayaan 31 jirkaan wixii ka dambeeya xagaaga, waxaana lagu wadaa inay ka wada xaajoodaan heshiis cusub marka koobka aduunka uu dhamaado

Waxa ay intaa ku dartay in dalabkooda hadda uu hoos u dhigayo mushaharka Brazilian-ka oo haatan qaata 180,000 oo ginni isbuucii, balse waxa jiraya gunno ku xernaan doonta heer ciyaareedkiisa iyo goolasha uu  dhaliyo



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here