Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixoodii 2-aad ee suuqa xagaagan iyaga oo 1.8 milyan kula soo wareegaya Goolhayaha kooxda Fluminense ee Marcelo Pitaluga.

Kooxda difaacanaysa premier League ee Liverpool ayaa kooxda reer Brazil ee Fluminense kala heshiiyay qiimaha Goolhaye Marcelo Pitaluga kaas oo ay kula wareegayso 1.8 ilyan euro sida ay sheegayaan wararka ka imanay Brazil.

Tababare Klopp iyo kooxdiisa ayaa la sheegayaa in ay la socdeen xaalada Goolhayaha muddo bilo ah ka hor intii ayna u dhaqaaqin saxiixiisa.

Wargsyaka Globo Esporte ayaa sheegaya in ay Liverpool kooxda reer Brazil kala heshiisay saxiixa Goolhayaha kaas oo haatan u soo duuli doona si uu heshiis 3 sano ah qalinka ugu duugo Liverpool.

Goolhaye Marcelo Pitaluga ayaa noqon doona saxiixa 2-aad ee kooxda Liverpool kadib markii ay Reds horay ula soo saxiixatay daafaca Bidix ee Kostas Tsimikas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here