Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto kooxda Juventus si ay qaab amaah ah ugaga soo qaadato xiddiga khadka dhexe ee Weston McKennie.

Xiddiga reer America ayaa boos ka waayay kooxda Juventus waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda suuqa January.

Xiddiga Weston McKennie ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay koobkii adduunka isaga oo xulkiisa USA la gaadhay wareega 16-ka koobka adduunka.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu soo bandhigay xiddigu ayaa keentay in uu xiiso ka helo kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Heshiiska Weston McKennie ee Juventus ayay ka dhimantahay 2 sano waxana ay kooxdiisu diyaar u tahay in ay iska iibiso ama qaab amaah ah ku fasaxdo.

Sida laga soo xigtay wargayska DailyMail, Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda Juventus si ay qaab amaah ah ugu hesho xiddiga 24 jirka ah.

Liverpool ayaa xidhiidh fiican la leh Juventus maadama ay qaab amaah ah uga soo qaatay Arthur maalintii ugu dambaysay suuqii kala iibsiga Xagaaga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here