Kooxda Liverpool ayaa dooneysa inay si rasmi ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga xulka qaranka Morocco iyo kooxda Fiorentina ee Sofiane Amrabat.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka soo muuqday Koobka Adduunka ee Qatar 2022, waxaana uu ka mid ahaa xiddiihii xulka Morocco ee qaab ciyaareedka fiican ka soo bandhigay koobka adduunka.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee dalab rasmi ah ka gudbin doonta saxiixa Amrabat.

Madaxweynaha Fiorentina, Commisso, ayaa sugaya soo laabashada xiddiga si ay kulan fool ka fool ah uga yeeshaan mustaqbalkiisa.

Waxaa la filayaa in Reds ay soo bandhigto dalab lagu qiyaasay 35.3 milyan ginni oo u dhiganta 40 milyan oo Yuuro.

Xiddiag reer Morocco ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxo kale oo ay ka mid yihiin ottenham, Barcelona iyo Atletico Madrid.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here