Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya qorshohooda suuqa kala iibsiga iyaga oo wadahadalo Rasmi ah la furay kooxda Nice ee ka ciyaarta horyaalka France.
Liverpool ayaa Nice ka doonaysa xiddiga khadka dhexe ee Khephren Thuram kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan khadka dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Klopp iyo Liverpool ayaa la filayaa in ay sameeyaan saxiixyo badan oo suuqa ah gaar ahaan dhinaca khadka dhexe waxana ay haatanba bilaabeen dadaalada ay ku doonayaan saxiixa.
Wargayska L’ÉQUIPE ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Khéphren Thuram isla markaas haatanba wadahadalo la furtay kooxdisia Nice.
Si kasta ha ahaatee isla wargayska ayaa sheegaya in ayna kooxda Nice haatan doonayn in ay Lumiso xiddiga isla markaas doonayso in ay sii haysato adeegiisa.
Related