Liverpool ayaa xaqiijisay inay kooxda ka tagayaan xiddigaha James Milner, Naby Keita, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Roberto Firmino dhamaadka xilli ciyaareedka.
Dhammaan afartan ayaa ka tagi doona Anfield marka uu qandaraaskooda haatan dhaco xagaaga xilli Jurgen Klopp uu doonayo inuu dib u dhiso kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Afartan ciyaartoy ayaa doorkooda ku qaatay in kooxda Klopp ay ku guulaysato Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup 2019, ka hor inta aanay noqon kooxdii ugu horeysay ee Liverpool ee ku guulaysata horyaalka muddo 30 sano ah.
Xiddigaha ayaa sidoo kale kooxda kula guulaystay koobka Carabao cup-ka iyo FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore.
Sidoo kale xiddigaha ayaa kooxda Liverpool la gaadhay Final-ka tartanka champions League 2 jeer halka ay sidoo kale kooxda la gaadheen final-ka Europa League.
Kulanka Aston Villa ee todobaadka dambe kaas oo ka dhici doona Anfield ayaa noqon doona kulankii ugu dambeeyay ee ay 4-ta xiddig ku ciyaareen garoonka kooxdooda.
Related