Xiddigii hore ee kooxda man United ee Louis Saha ayaa ku booriyay kooxdiisii ​​hore ee Manchester United inay ka fogaato u dhaqaaqista xiddiga xulka Netherlands ee Cody Gakpo.

PSV Eindhoven ayaa ogolaatay in uu Gakpo isaga tago kooxda suuqa January iyada oo isku diyaarinaysa in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga.

Gakpo ayaa xagaagii si weyn loola xidhiidhinayay Man United suuqii xagaaga ka hor inta uuna xiddigu iska sii joogin kooxdiisa oo uu u dhaliyay 13 gool 17 kalena caawiye ka noqday 24 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa sidoo kale qaab ciyaareed fiican soo bandhigay koobkii adduunka isaga oo dhaliyay 3 gool ka hor inta uuna xulkiisu wareega 8 dhamaadka kaga hadhin tartanka.

Saha oo Man United u dhaliyay 42 gool 124 kulan ayaa Man United u sheegay in uuna ku qanacsanayn xiddiga Gakpo una sheegay Ten Hag in uuna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga.

“Waa ciyaartoy fiican oo soo qaatay tartan fiican koobkii adduunka”ayuu Saha yidhi markii wax laga waydiiyay Gakpo.

“Qaab ciyaareedkii koobka adduunka waxa uu ahaa mid fiican waxana uu muujiyay in uu leeyahay tayo fiican”.

“Lakiin uma arko xiddig hal ama 2 sano sii wadi kara qaab ciyaareeka heerka ugu fiican”.

“Anigu kuma qanacsani isaga mana doonayo in ay Man United la soo saxiixato”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here