Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa shaaca ka qaaday 10ka xiddig ee uu isku dayay inuu la soo saxiixdo Intii uu tababaraha u ahaa kooxda Man United.

Van Gaal ayaa la wareegay shaqada Man United kadib markii shaqada laga caydhiyay David Luiz xilli ciyaareed ka hor kadib markii uu xulka qaranka Holland geeyay Final-ka koobkii adduunka 2014.

Laakiin wareysi uu siiyay majalada FourFourTwo Van Gaal ayaa haatan daaha ka qaaday xiddigii uu doonayay in uu keeno xagaagiisii ugu horeeyay ee kooxda laakiin uu ku guuldaryastay.

“Waxaan doonayay Robert Lewandowski, laakiin markii uu adkaaday heshiiskiisu waxaan isku dayay inaan helo Gonzalo Higuain halkii” ayuu yiri Van Gaal.

“Ka hor intii aanan iman dkooxda waxa aan maamulka kala hadlay Neymar, hadii aad Man United joogto waa in aad si weyn u fikirto, Neymar laftiisu waxa uu xiiso u qabay kooxda sidoo kale waxa uu u iibin lahaa kooxda maaliyada”.

“Sababtaas darteed sidoo kale waxa aan isku dayay saxiixa Sadio Mane iyo Riyad Mahrez, Thomas Muller sidoo kale waxa uu ku jiray Liiska xiddigaha aan doonayay, Khadka dhexe waxa aan u doonayay N’Golo Kante”.

“Waxa aan isku dayay in aan la soo saxiixdo James Milner kaas oo ahaa xiddig weyn laakiin lahaa tayo hogaamiyenimo waliba ka ciyaari kara boosas badan, dhanka daafaca waxa aan doonayay Sergio Ramos sababta oo ah daafaceenu ma ahayn mid adag”.

“Xiddigahaas ayaa ahaa bartilmaameedkayga laakiin waan heli waayay mana garanayo sababta tababare ahaan kamaan qayb ahayn wadahadalada”.

“Kadib markii aan ka tagay Man United xiddigaha Riyad Mahrez, N’Golo Kante waxa ay ku biireen Chelsea iyo Man United xilliay Man United wayday arintaas waxa aan u arkaa wax aan caadi ahayn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here