Halyeeyga reer Portugal ee Luis Figo ayaa sheegay in uuna qalibiga Lionel Messi haatan joogin kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Argentine ayaa warqada bixitaanka gudbiyay xagaagii isaga oo doonayay in uu isaga tago kooxda Barcelona ka hor intii uuna go’aansan in uu sii joogo kooxda.

Ilaa haatan xilli ciyaareedka Lionel Messi ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay iyada oo uu kaliya La Liga u dhaliyay hal gool oo caadi ah isaga oo goolasha kale ka dhaliyay rikoodhe.

“Waxa aan arkay waxa ku dhacay Messi iyo isku daygiisii uu doonayay in uu kooxda kaga tago xagaagii, sida taageerayaasha iyo khiirada waan la yaabay”ayuu Figo u sheegay MARCA.

“Waxa laga yaabaa in uu haysto sabab la dambaysa dalabkiisa bixitaanka mana garanayo waxa horay u dhacay”.

“Koox walba oo adduunka ah waxa ay jeceshahay in ay haysato Xiddig Messi oo kale ah”.

“Laakiin guud ahaan hadii aannu xiddigu doonayn in uu sii joogo kooxda ma jiri karto wax badali kara go’aankiisa”.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here