Xiddiga xulka qaranka Uruguay ee Luis Suarez ayaa ka xanaajiyay taageerayaasha xulka qaranka Ghana ka hor kulanka xasaasiga ah ee ay labada xul wada yeelan doonaan koobka adduunka.

Xulalka Ghana iyo Uruguay ayaa kulmi doona kulanka 3-aad ee wareega Group-yada koobka adduunka Iyada oo labada xul u dagalami doonaan booska wareega 16-ka koobka adduunka.

Ka hor kulanka xiddiga Suarez ayaa ka qayb qaatay shirkii ka horeeyay kulanka iyada oo la waydiiyay dhacdadii koobka adduuna 2010 markii uu Suarez gacanta kaga qabtay kubad galaysay goolka xulkiisa.

Xulka Ghana ayaa loo dhigay rikoodhe taas oo uu khasaariyay xiddiga xulka qaranka Ghana ee Asamoah Gyan kaas oo cirka geeyay kubada.

Suarez oo ka hadlaya arintaas ayaa yidhi”Uma baahni in aan raali galin ka bixiyo dhacadadii 2010, hadii aan ciyaartoy dhaawici lahaa waan bixin lahaa raali galin”.

“Laakiin xaaladan waxa aan gacanta ku qabtay kubada, waxa aan qaatay kaadh casaan ah, xiddig Ghana ah ayaana khasaariyay rikoodhada”.

“Aniga khaladkayga ma ahayn sababta oo ah anigu rikoodhada ma khasaarin, masuuliyadayna ma ahayn”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here