Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa fariin ku saabsa mustaqbalkiisa u diray Real Madrid.

Modric ayaa sheegay in uu doonayo in uu ciyaaraha kaga fadhiisto kooxda Real madrid laakiin uu haatan diirada saarayo xulka qarankiisa.

Isagoo ka hadlayay halka uu doonayo inuu kaga fadhiisto ciyaaraha ayuu Modric yidhi”Hadda, waxaan joogaa Koobka Adduunka, waxaana diirada saarayaa Croatia”.

“Waxa dhici doona, waynu arki doonaa waxa aan haysanaa wakhti aan kaga hadli karno laakiin waxa aan doonayaa in aan ciyaaraha kaga fadhiisto Real Madrid sida aan marar badan horay u sheegay”.

“Waxba ma odhan kartid 100% laakiin anigu waxa aan ku riyoonayaa in aan ciyaaraha kaga fadhiisto Real”.

Heshiiska Modric ee haatan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin Real Madrid ayaa heshiis cusub ka saxiixan karta kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo bandhigay koobka adduunka.

37 jirkaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa haatan diirada saaraya sidii uu Croatia uga caawin lahaa in ay gaaraan finalka koobka adduunka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here