Maanta waxa saxaafada adduunka ka faaloota kubada cagta hadal haysa hal magac oo ah xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa xalay lama filaan qarxiyay kadib markii uu kooxdiisa ka codsaday in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro xagaagan.

Xiddiga 33 jirka ah ee Lionel Messi ayaa u sheegay in uuna mustaqbal ku arkayn Camp Nou una sheegay in uu haatan doonayo in uu isaga tago kooxda.

Kadib hadalkaas waxa jira kooxo badan oo lala xidhiidhinayo si dhab ahna u doonaya saxiixiisa waxana ka mid ah kooxda Inter Milan kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Inter Milan ayaa bilihii ugu dambeeyay si weyn u doonaysay saxiixa xiddiga Lionel Messi iyaga oo xitaa diyaar ula ah mushahar aad u sareeya.

Hadaba shabakad Goal.com qaybteeda English-ka ayaa soo saartay halka uu Lionel Messi ka gali karo shaxda kooxda Inter Milan hadii uu ku biiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here