Waxa inagu soo food leh furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxdooda.
Xilli dhamaad ku dhawyhaya xilli ciyaareedka 2022/2023 waxa ay taageerayaashu u dhag taagayaan xiddigaha ay kooxohoodu la soo saxiixan doonaan.
kooxaha ayaa haatanba bilaabay dadaalada ay ku doonayaan in ay ku sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Hadaba halkan waxa aan si joogto ah idiinku soo gudbin doonaa saxiixyada dhaca inta uu furanyahay suuqa xagaaga mrka ay koox kasta ku dhawaaqdo saxiixayda waaweyn iyo saxiixyada kaleba.
Fran García -> Real Madrid:
Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee samaysa saxiix suuqa xagaaga iyada oo Ancelotti xaqiijiyay in ay dib ula soo waregeen xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee Fran García.
Los Blancos ayaa xiddiga kala soo wareegtay kooxda Rayo Vallecan oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Christopher Nkunku -> Chelsea:
Xiddiga kooxda RB Leipzig ayaa haatan la xaqiijiyay in uu xagaagan ku biiri doono kooxda chelsea kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bundesliga.
Chelsea ayaa Nkunku la saxiixatay xagaagii hore laakiin waxa ay u ogolaadeen xiddigu in uu sii joogo kooxdiisa RB Leipzig xilli ciyaareedka.
Haatan xiddiga ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo xiddig chelsea ah kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka Bundesliga waxana uu noqon doonaa saxiiixa ugu horeeya ee chelsea.
Marco Asensio -> PSG:
Kooxda PSG ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Marco Asensio kaas oo ay qaab xor ah kula wareegayso kadib markii uu dhacay heshiiskiisa Real Madrid.
Kooxda PSG ayaa xiddiga Marco Asensio ka saxiixatay heshiis ilaa 2027 ah waxana uu ka mid noqday xiddigaha ay kooxda PSG isku xoojinayso.
Alexis Mac Allister -> Liverpool:
Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii uu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Liverpool ayaa xiddiga Alexis Mac Allister ka saxiixanaysa heshiis ilaa sanadka 2028 ah waan heshiis 5 sano ah.
Related