Majaladda France Football Magazine Oo Soo Bandhigtay Sid Ay Codadka U Kala Heleen Musharaxiintii Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Xalay La Bixiyay.

Advertisements

Lionel Messi ayaa xalay markii lixaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, wuxuuna ku garaacay labada xiddig ee Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo kadib xaflad ka dhacday magaalada Paris.

Messi waa xiddiga ugu badan ee abaalmarintaan ku guuleystay maadaama ay ka hor xalay isaga iyo Ronaldo wada heysteen min shan jeer, waxaana xusid mudan inuu horay ugu guuleystay 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2015.

Kabtanka Argentina wuxuu helay 686 cod, halka Virgil van Dijk uu helay 679 cod, taasoo ka dhigan in xiddiga reer Holland uu u dhawaaday inuu helo abaalmarintiisii ugu horreysay Ballon d’Or.

Haddaba France Football Magazine waxey soo bandhigtay sawiro muujinaya sida ay wariyayaashii laga soo doortay wadamada dunida ugu codeeyeen musharaxiintii abaalmarinta Ballon d’Or.

Virgil van Dijk wuxuu codadka ugu badan ka helay wadamada Yurub iyo Asia, halka Messi uu kaalinta koowaad ka noqday wadamada hoos yimaada afarta xiriir ee kale.

Sadio Mane xitaa qaaradda uu kasoo jeedo kaalinta 1-aad kama noqon, waxaana kaga horeeyay Messi, halka Allison Becker isna uu kaalinta 5-aad kasoo galay wadamada koonfurta America codadkooda.

Ingiriiska waxaa u matalay Harry Winter oo ka tirsan shabakadda Times, wuxuuna codkiisa koowaad siiyay Virgil van Dijk, wuxuuna raaciyay Messi, Ronaldo, Sterling iyo Allison Becker.

Advertisements

Kaliya saddex ciyaartoy ayaan helin wax cod ah (Donny van de Beek, Joao Felix iyo Marquinhos).

Liiska Ciyaartoyda & Codadkii Ay Heleen Oo Dhameystiran:

  • 1. Lionel Messi – 686pts
  • 2. Virgil van Dijk – 679pts
  • 3. Cristiano Ronaldo – 476pts
  • 4. Sadio Mane – 347pts
  • 5. Mohamed Salah 178pts
  • 6. Kylian Mbappe 89pts
  • 7. Alisson – 67pts
  • 8. Robert Lewandowski – 44pts
  • 9. Bernardo Silva – 41pts
  • 10. Riyad Mahrez – 33pts
  • 11. Frenkie de Jong – 31pts
  • 12. Raheem Sterling – 30pts
  • 13. Eden Hazard – 25pts
  • 14. Kevin de Bruyne – 14pts
  • 15. Matthijs de Ligt – 13pts
  • 16. Sergio Aguero -12pts
  • 17. Roberto Firmino – 11pts
  • 18. Antoine Griezmann – 9pts
  • 19. Trent Alexander-Arnold – 8pts
  • 20= Dusan Tadic – 5pts
  • 20= Pierre-Emerick Aubameyang – 5pts
  • 22. Son Heung-min – 4pts
  • 23. Hugo Lloris – 3pts
  • 24= Kalidou Koulibaly – 2pts
  • 24= Marc-Andre ter Stegen – 2pts
  • 26= Karim Benzema – 1pt
  • 26= Gini Wijnaldum – 1pt
  • 28= Donny van de Beek – 0pts
  • 28= Joao Felix – 0pts
  • 28= Marquinhos – 0pts
[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII