Arsenal iyo Manchester City ayaa wada hadalo ku saabsan is dhaafsiga suurtagalka ah ee Kieran Tierney iyo Joao Cancelo sida ay sheegayaan wararku.
Football Transfers ayaa fahansan in ay labada kooxoo doonayaan saxiixa xiddigaha daafaca ka ciyaara ka hor furitaanka xilli ciyaareedka dambe.
Labada xiddig ayaa la dhigi doonaa suuqa kala iibsiga dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo uu Arteta taageero u yahay xiddiga Cancelo halka Guardiola uu doonayo xiddiga Tierney.
Arsenal ayaa suuqa ugu jirta daafac bidix oo cusub – si uu u badalo Tierney – iyo daafac midig oo cusub maadaama ay garteen in Ben White uu dabiiciyan yahay daafac dhexe xilli uu xiddiga Takehiro Tomiyasu dhaawac batay.
Hadii ay la soo saxiixato Cancelo, Arteta ayaa xiddiga reer Portugal u arka xiddig si joogto ah ugu ciyaari doona kooxdiisa halka uu White noqon doono badalkiisa.
Cancelo ayaan xidhiidh fiican la lahayn Guardiola waxana uu isaga tagay kooxda Man City suuqii january isaga oo amaah ugu biiray kooxda Bayern Munich.
Related