Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Man United kulan ka tirsan premier League kana dhici doona Old Trafford.

Man City ayaa isha ku haysa in ay garaacdo Man United kulankii 2-aad xilli ciyaareedkan kadib markii ay garaacday kulankii Etihad ka dhacay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Man City ayaa doonaysa in ay Garaacdo Man United laba kulan xilli ciyaareed kaliya premier League markii 5-aad ee taariikhdooda.

Hadii ay Man City sidaas samayso isla markaas ka badiso kooxda Man United waxa ay la bar-barayn doontaa Liverpool oo sidaas horay ugu samaysya Man United.

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay garaacdo United si ay cadaadiska u saarto kooxda Arsenal ee hogaaminaysa horyaalka premier League.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here