Kooxda Man City ayaa ka fal celisay guuldaradii kooxda Man United ka soo gaadhay Tottenham kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa premier League.

Kooxda Man United ayaa la kulantay xasuuq ba’an iyada oo Tottenham kala kulantay guuldaradii ugu weynayd ee taariikhda labada kooxood.

Goolal Nus-darsin ah ayaa Tottenham ka caawiyay guul weyn oo ay Ka gaadhay Man United oo ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay kooxda Man City oo si weyn ula xafiiltanta Man United gaar ahaan magaalada Manchester ayaa ka fal celisay ceebta Soo gaadhay United.

Inkasta oo ay Ilsa Man City guuldaro 5/2 ah kala kulantay Leicester City todobaadkii hore hadana City ayaa is qaban kari wayday in ay ku digato United.

Man City ayaa Retweet-garaysay qoraal ay Tottenham soo dhigtay bogeeda Twitter-ka iyada oo raacisay laba gacmood oo isa salaamaya kadib sii raaciysay magaca Twitter-ka kooxda Tottenham.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here