Wargayska The Sun ee ka soo baxa England ayaa sheegay in Manchester City ay kalsooni wayn ku qabto in ay ku guulaysan doonto helitaanka adeega xidigan Jude Bellingham. Si uu ula shaqeeyo tababare Pep Guardiola.

Kooxda Man City aaa si weyn u doonaysa in ay ugu guulaysato saxiixa xiddiga khadka dhexe ee jude Bellingham Si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha u soo kacaya kubada cagta waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Dortmund.

Kooxo badan ayaa ku tartamaya sidii ay ku heli lahaayeen ciyaaryahankan, kaasoo qiimihiisu lagu qiyaasay 100 milyan oo Yuuro. Iyadoo kooxaha Liverpool, Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ku tartamayaan saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man City ku kalsoontahay in ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha tababaraha kooxda ee Pep Guardiola.

Bellingham ayaa kooxdiisa Dortmund u ciyaaray 15 kulan horyaalka Bundesliga waxana uu dhaliyay 3 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here