Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowday u dhaqaaqista saxiixa xiddiga Lionel Messi inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Lionel Messi ayaa niyad jab weyn dareemay kadib markii ay kooxda Barcelona guuldaro 8/2 ah kala kulantay kooxda Bayern Munich.
Kabtanka Barcelona ayaa la sheegayaa in uu tababarha cusub ee Ronald Koeman u sheega in uu isaga tagayo kooxda inta lagu jiro xagaagan.
Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay labada qof ee sida weyn ugu fashilmay champions League 5-tii sano ee sano ee ugu dambaysay oo ah Messi iyo Guardiola is heli doonaan xilli ciyaareedka dambe.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man City diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Lionel Messi Laakiin hadii uu xiddigu ku adkaysto in uu ka tago kooxda Barcelona xagaagan.