Man City Oo Xasuuq U Geysatay Liverpoo, Ceebta Klopp La Hoyday Iyo Wajigabaxii Saf-Sharafeedka Oo Ay Bahdilaad Ugu Beddeleen Reds

Manchester City ayaa bahdilaaddii ugu weynayd xili ciyaareedka u geysatay Liverpool oo ay ku martigelisay garoonka Etihad Stadium oo ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ay ugu samaysay saf sharafeed.

Manchester City ayaa xasuuq aanu Jurgen Klopp beryahan la kulmin u geysatay, waxaanay ku garaacday 4-0 ay kooxda horyaalka ku guuleysatay garan weyday si ay iskaga difaacaan goolasha sida daadka ah ugu socday.

Kevin de Bruyne ayaa ku bilaabay rikoodhe loo dhigay Sterling oo ay difaaca Liverpool ku dhex lagdeen xerada ganaaxa, waxaanu xiddiga reer Belgium dhinaca qaldan u diray goolhaye Alisson.

Raheem Sterling ayaa goolka labaad raaciyey ka hor intii aanu midka saddexaad oo aad u qurux badnaa kusii niyad-jabinin Phil Foden, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 3-0.

Qaybta labaad ayay City la timid gool afraad oo uu iska dhaliyey Chamberlain oo beddel kusoo galay.

Shaxdii labada kooxood

LIVERPOOL XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Jordan Henderson (c), Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Divock Origi, Curtis Jones, James Milner, Neco Williams, Takumi Minamino, Adrian, Alex Oxlade-Chamberlain, Harvey Elliott, Naby Keita.

CITY XI (4-2-3-1): Ederson; Kyle Walker, Eric Garcia, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; Rodrigo, Ilkay Gundogan; Phil Foden, Kevin De Bruyne (c), Raheem Sterling; Gabriel Jesus.

Kaydka: Nicolas Otamendi, Joao Cancelo, Riyad Mahrez, John Stones, Bernardo Silva, Claudio Bravo, Tommy Doyle, David Silva, Oleksandr Zinchenko.

Pep Guardiola ayaa ku soo bilaabay saf adag oo uu khadka dhexe si weyn uga soo adkeeyey, weerarkan uu iskugu keenay Jesus, Sterling iyo Foden. Sidaas oo kale, Jurgen Klopp ayaa saddexdiisa weerarka ah ee Mane, Firmino iyo Salah soo wada qaddimay.

Ciyaarta oo ku bilaabantay saf sharafeed ay ciyaartoyda City u sameeyeen Liverpool, ayaa ayay markiiba kooxda martida loo yahay ee Man City ku bilowday weerar degdeg ah, iyadoo uu Jesus daqiiqaddii saddexaad ba kubadda weydaariyey goolhaye Alisson, hase yeeshee waxa uu ku jiray offside caddaan ah oo goolka meesha looga saaray.

Mohamed Salah ayaa ka jawaabay, isaga oo dhex orday difaaca Man City, waxaanay wada shaqeeyeen Sadio Mane iyagoo ku qasbay Ederson inuu sameeyo badbaadin.

Liverpool ayaa heshay fursad kale oo uu Mane kubadda madaxa ugu dhuftay, waxaanay kubaddaasi noqon lahayd mid ay ka mid kari lahayd natiijo haddii uu Salah goob ku habboon taagnaan lahaa. Laakiin laacibka reer Masar ayaa dhinaca midig laag kasoo ganay waxyar kaddib fursaddaas, waxaanay u tagtay Mane oo si fiican u maamuli kari waayey, waxaanay mar kale u ahayd jaanis ay heshay Reds.

GOOOOOAAAAALLLL!!!! CITY 1-0 LIVERPOOL!! Kevin de Bruyne ayaa gool u beddelay rikoodhe lagu galay Raheem Sterling, waxaanu xiddiga reer Belgium goolhaye Alisson u diray jiho qaldan. Man City ayaa sidaas kula hor martay gool.

Kevin de Bruyen ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee ugu rikoodhe dhalinta badnaa Premier League, waxaana ka horreeya Wilfried Zaha oo 15 rikoodhe dhaliyey, halka Kevin de Bruyne uu 14 rikoodhe dhaliyey.

Ciyaartoyda Manchester City waxay kalsooni badan ka heleen goolka ay dhaliyeen, waxaanay khadka dhexe ka dhiseen kubbado qurux badan oo isku dhiib ah oo ay farsamaynayeen Kevin de Bruyne, Phil Foden, Gundogan, halka Sterling iyo Jesus ay dhex ordayeen difaaca Liverpool oo ku wareeray qaabka ay u qabanayaan.

GOOOOAAAALLL!!! CITY 2-0 LIVERPOOL!! Daqiiqaddii 35aad ayey Manchester City hoggaanka sii dheeraysatay, waxaana kubbad si layaab leh looga soo shaqeeyey baas qurux badan dhiibtay Sterling oo uu lasoo shaqeeyey Phil Foden.

Liverpool waxay usii ekaatay koox kala daadsan, awoodda ciyaartuna waxay marba marka ka dambaysa gacanta usii gelaysaa Manchester City, waxaanay dhibaatadu ka jirtaa khadka dhexe ee ay taagan yihiin Henderson, Fabinho iyo Wijnaldum oo u maare la’ xiddigaha City.

GOOOOOAAAAALLLL!!!! CITY 3-0 LIVERPOOL!! Foden ayaa shabaqa taabsiiyey goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaanay u muuqataa in ciyaartu gebi ahaanba rajo beel kasii noqonayso Liverpool.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay la nasatay Manchester City oo inkasta oo ay faraxsan yihiin haddana aanay libintoodu wax koob ah ka hor istaagaynin Liverpool.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isbeddel degdeg ah sameeyey markii lagu soo laabtay garoonka, waxaanu bannaanka dhigay Gomes oo ciyaarta ku dawakhay, waxaanu keenay Chamberlain, halka uu Fabinho dib ugu degay difaaca oo uu garab istaagay Van Dijk.

Daqiiqaddii 50aad: Manchester City ayaa heshay fursad weyn oo ay goolka afraad ugu dhowaatay inay dhaliso, waxaana kubbad uu si xarrago leh ugu soo dedaalay Jesus uu ku liishaamay goolka Liverpool isaga oo adeegsanaya lugta midig, waxaanay kubaddaasi ku dhowaatay inay noqoto goolka afraad ee ciyaarta.

Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa iskugu jawaabay beddello ay sameeyeen, waxaanay labadooduba doonayaan inay firfircoonaysiiyaan ciyaartoygooda.

GOOOOOAAAAALLLL!!!! CITY 4-0 LIVERPOOL!! Fadeexad baa ka socota meesha. Alexander-Arnold ayaa iskaga tegay booskiisa, waxaana kubbad meel fog laga soo tuuray meel cidlo ah ka helay De Bruyne oo isaguna usii dhiibay Sterling oo goolka soo hormariyey. Oxlade-Chamberlain ayaa ku naxay kubadda oo goolkiisa ku leexiyey.

FURSAD KALE, Foden ayaa mar kale kubbad la ciyaaray Sterling, waxaanu laacibka reer England go’aansaday inuu markan tijaabiyo awooddiisa laagga, hase yeeshee, kubadda ayaa u muuqatay sidii mid uu baryayo oo aan awood lahayn.

Daqiiqaddii 79aad: Manchester City ayaa heshay fursad u qalmaysay gool, waxaana kubbad xerada ganaaxa horteeda la yimid Riyad Mahrez, laakiin kubadda ayaa uu ka xaasiday inuu baas bixiyo iyadoo haddii uu dhiibi lahaa ay suurtogal ahaan lahayd inay natiijadu korodho haddii uu bixin lahaa. Mahrez ayaa doortay inuu isagu goolka dhashado, waxaanu ku toogtay lugta midig, hase yeeshee kubadda ayaa garab martay goolka.

Kubbad kasta oo ay soo qaadato Manchester City ayaa u muuqata in iyadoo aan la joojin ay goolka Liverpool gaadhayso, waxaanu tababare Jurgen Klopp ku dawakhay sidii uu u beddeli lahaa taatikadiisa, iyadoo uu garoonka ka saaray Sadio Mane.

Minamino oo soo galay ayaa sameeyey fursad laakiin goolhaye Ederson ayaa halkaas taagnaa oo si dhibaato la’aan ah iskugu soo tuuray.

GOOOOOAAAAALLLL!!!!  MAYA….MAYA. Riyad Mahrez ayaa gool shanaad dhaliyey laakiin VAR ayaa soo saaray in ka hor intii aanu goolka dhalan ay kubaddu gacan ku dhacday, waxaana sidaas ay Reds kaga badbaaday in xasuuqu kusii socdo.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-0 ay guusha kula damaashaadday Manchester City, halka Liverpool ay qaab baahdilaad ah garoonka uga baxday, iyagoo madaxda foorarinaya.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII