Xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount ayaa ka mid ah xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa kala iibsiga xagaaga bilowgiisa iyad aoo xiddiga maalin walba la hadal hayo.
Mason Mount ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man United kuwaas o si dhab ah u doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Mount ayaa doonaya in uu isaga tago Stamford Bridge xagaagan si uu ugu biiro koox cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa kooxda u baahan Mason Mount Arsenal, Man United Mise Liverpool?
Liverpool
Ma ahan wax qarsoon in Reds ay baahi weyn u qabto dib u dhiska khadka dhexe.
Naby Keita, Alex Oxlade-Chamberlain iyo James Milner ayaa dhamaantood wada ciyaaray kulankoodii ugu dambeeyay kooxda waxana jirta shaki taam ahaansho oo xiddiga Thiago ah kaas oo si weyn ugu dhibaatooday xilli ciyaareedkii dhamaaday.
halka Fabio Carvalho inta badan laga ciyaarsiiyo weerarka waxana sidoo kale la filayaa in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.
Jordan Henderson ayaa sii weynaanaya taas oo keentay in ay Liverpool u baahato xiddig khadka dhexe ah waxana uu Mount yahay badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Jordan Henderson.
Mount wuxuu hore u sheegay inuu isu arko inuu yahay No.8 isla markaas sii fiican uga ciyaari karo booskaas gaar ahaan hadii ay Reds ku ciyaarayso shaxda 3-2-2-3.
Sidoo kale Mount ayaa ka ciyaari kara khadka dhexe ee garbaha marka ay kooxdiisu ku ciyaarayso 4-4-2 waxana uu caawin karaa xiddigaha Trent Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah.
Arsenal
Granit Xhaka ayaa ka tagaya kooxda xagaagan isaga oo dib ugu soo laabanaya Bundesliga.
Ma jirin cid filaysay in uu xiddiga Switzerland noqon doono sida uu muhiimka ugu noqday kooxda Arsenal iyo shaxda Mikel Arteta laakiin waxa ay Kooxdu haatan suuqa ugu jirtaa badalkiisa.
30-sano jirkaan ayaa ku dhameystay xilli ciyaareedkan labo gool oo uu ka dhaliyay Wolves isagoo dhaliyay 7 gool guud ahaan premier League waxana uu sidoo kale sameeyay 7 caawin.
Mount ayaa ka mid ah dhawrka xiddig ee khadka dhexe ee sidaas samayn kara inkasta oo uu xilli ciyaareed niyad jab leh soo qaatay, waxa uu xilli cyaareedkii 2021/2022 dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale, Dhab ahaantii, ma uusan u ciyaarin khadka dhexe xilli ciyaareedkaas.
Doorka khadka dhexe ee dhanka bidix ee Arsenal ayaa ah mid dabacsan, iyadoo Xhaka uu inta badan kasoo muuqday meel sare oo garoonka ah isagoo boos u abuuraya Gabriel Martinelli. Mount waxa uu boos la mid ah u ciyaaray England koobkii adduunka, inkasta oo aanu ku jirin qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa, haddana waa boos uu ka ciyaari karo.
Mount ayaa Arsenal u noqon kara xiddig khadka dhexe oo gool dhaliye ah maadama ayna kooxdu haysan xiddig sidaas ah marka laga reebo xiddiga Martin Odegaard.
Manchester United
Halka Liverpool iyo Arsenal Mount ay u badan tahay in ay ka ciyaariiyaan khadka dhexe ee weerarka waxa uu Man United uga ciyaari karaa 3-da xiddig ee khadka dhexe.
Ten Hag wuxuu jecel yahay nidaamka 4-3-2-1, inkastoo Mount uu ka ciyaari karo mid ka mid ah seddexda boos ee ka dambeeya weeraryahanka hadana waxa uu Ten Hag ka garab ciyaarsiin doonaa xiddiga Casemiro.
Waxa uu halkaas ku isticmaalay Christian Eriksen xilli ciyaareedkan, kubbad-sameeyaha reer Denmark ayaa la tayo ah Mount laakiin xiddiga chelsea ayaa ah mid ka deg-deg badan isla markaas samayn kara boosas badan oo bananaan muddo.
Mount ayaa kooxda Man United uga ciyaara kara booska ugu muhiimsan oo ah in uu kubada gaadhsiiyo 3-da xiddig ee weerarka Bruno Fernandes, Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Antony.

Related



Source link