Kooxda Man City ayaa ku guulaystay FA Cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Man United kulan ka dhacay garoonka Wembley.
Man City ayaa ku guulaystay koobkeedii 2-aad ee xili ciyaareedka kadib markii ay horay ugu guulaystay horyaalka premier League oo ay ku garaaceen Arsenal.
City ayaa isku diyaarinaysa in ay ciyaarto 2 final oo kale kuwaas oo kala ah Final-ka champions League oo ay todobaadka dambe ciyaari dooonto iyo Final-ka Koobka Community Sheild-ka.
Kooxda Pep Guardiola ayaa final-ka Koobka Community Sheild-ka ee bilowga xilli ciyaareedka dambe la ciyaari doonta kooxda kaalinta 2-aad ka gashay premier League ee Arsenal.
Maadama ay Premier League iyo FA Cup-kiiba qaaday waxa ay la ciyaari doontaa kooxda kaalinta 2-aad ka gasha Premier League waaana kooxda Arsenal.
City ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay Community Shield iyada oo guuldaro 3/1 ah kala kulantay Liverpool bilowgii xilli ciyaareedkan halka ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay Leicester City xilli ciyaareedkii hore.

Related



Source link