Xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Lyon ee Malo Gusto ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kooxda Man United kana doortay ku biirista chelsea.

Blues ayaa la rumaysanyahay in ay diyaarinayso dalabkii 2-aad ee ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga Malo Gusto kadib markii Lyon diiday dalabkii furitaanka oo dhan 18 milyan.

Chelsea ayaa u aqoonsatay Gusto, oo 19 jir ah, inuu yahay bedelka daafaca Cesar Azpilicueta.

Todd Boehly ayaa haatanba la soo saxiixday lix ciyaaryahan bishaan si uu u taageero Graham Potter.

Laakiin Milkiilaha Kooxda ayaa donaya saxiixyo cusub ka hor inta ayna UEFA joojin heshiiskyada wakhti dheer.

Chelsea ayaan kali ku ahayn baacsiga Malo Gusto waxana ay tartan kala kulmaysaa kooxda Man United iyada oo Erik Ten Hag u calaamadsaday badalka Wan-Bissaka.

Laakiin Malo Gusto ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kooxda Man United kana doortay chelsea sida laga soo xigtay Foot Mercato.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here