Manchester United ayaa ka fiirsanaysa suurtogalnimada ay Harry Maguire ugu soo bandhigayso chelsea si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayso saxiixa xidiga khadka dhexe Mason Mount, sida ay wararku sheegayaan.
Red Devils ayaa dar-dar galinaysa dadaalka ay ku doonayso in saxiixa xiddiga Mount kaas oo ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadheen.
Laakiin Blues ayaa dalbanaysa lacag dhan 70 milyan oo euro inkasta oo uu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda chelsea taas ayaa keentay in ay United dajiso qorshe kale.
Iyada oo ay labada kooxood ku kala fogyihiin qiimaha wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay United Maguire ka qayb dhigi karto heshiiska.
Daafaca 30 jirka ah ayaa ka baxay qorshaha Erik Ten Hag waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.
Maguire ayaa 80 milyan oo euro ugu soo biiray United 4 sano ka hor laakiin waxa haatan lagu qiimeeyaa xiddiga 30 milyan oo euro.

Related



Source link