Man United Oo Go’aan Aan Laga Fileynin Ka Qaadatay Xiddigii Ay Sida Weyn U Doonayeen Ee Jadon Sancho

Manchester United ma bixin doonto lacag ka badan 50 milyan ginni si ay u la saxiixdaan Jadon Sancho xagaagan taasoo ah kala bar lacagta ay dooneyso Borussia Dortmund.

Kooxda Jarmalka ayaa dhawaan shaacisay in lacagta kaliya ay ku iibin karaan xiddiga garabka ka ciyaara ee England inay tahay 117 milyan ginni.

Laakiin United ayaa sheegtay inaysan hal shilin ku dari doonin 50 milyan ginni iyadoo kooxda ay la tacaaleyso dhaqaale xumo uu sababay fayraska Korona.

Sky Sports News ayaa sheegeysa in xubin sarre oo ka mid ah madaxda Old Trafford inuu u xaqiijiyay in kooxda aysan 50 milyan ginni ka badan ku qarashgareyn doonin xiddiga Ingariiska.

Sancho ayaa ku rajo weyn inuu ku soo laabto England ka dib markii uu ka tagay Manchester City isagoo heshiis 8 milyan ginni ah ugu wareegay kooxda Dortmund sannadkii 2017.

Kooxo badan oo reer Yurub ah oo ay ku jirto kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa lagu xamanayay inay xiiseyneyso.

Laakiin United ayaa loo arkayay kooxda kaliya ee leh awooda dhaqaale ee ay heshiiska ku dhameystiri karto xagaagan.

Sidaasi oo ay tahay warkii ugu danbeeyay ayaa soo jeedinaya in Borussia Dortmund ay ku qasban tahay inay hoos u dhigto qiimaha ciyaaryahanka ama inay ceshato Sancho madaama Red Devils ay ku adkeysaneyso 50 milyan ginni.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII