Manchester United ayaa ka baxday baacsiga ay ugu jirto heshiiska amaahda ah ee ay ku doonaysay xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix waxana ay haatan diyaar u tahay in ay dalab ka gudbiso xiddiga weerarka uga ciyaara xulka France ee Randal Kolo Muani, sida ay wararku sheegayaan.

Erik ten Hag ayaa doonaya in loo keeno weeraryahan cusub kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo, iyadoo Anthony Martial iyo Marcus Rashford ay yihiin kuwa kaliya ee kooxda u jooga xilli ciyaareedkan.

Felix ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee ay Man United doonaysay in ay ku xaliso dhibaatada inta lagu jiro suuqa January iyada oo Atletico Madrid diyaar u tahay in ay amaah ku fasaxdo.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Man United haataan isaga baxday tartanka Felix sabab la xidhiidha qiimaha ay Atletico Madrid dalbanayo.

Inkasta oo uu Ten Hag wali doonayo saxiix weeraryahan cusub hadana Man United ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta ay Atletico Madrid dalabanayso oo dhan 15 milyan oo amaah ah.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Man United Ayaa haatan dareenkooda u jeedinaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Frankfurt ee Kolo Muani.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here