Manchester United ayaan heshiisyada amaahda ah ee Wout Weghorst iyo Marcel Sabitzer ka dhigi doonin mid joogto ah xagaagan.
Mail Sport ayaa fahansan in maamulaha Erik ten Hag uu wali jecel yahay labada ciyaaryahan laakiin maamulka kooxda ayaa doonaya in ay dib u dhis ku sameeyaan kooxda.
Warkan ayaa la macno ah in Sabitzer uu isaga tagay kooxda Man United kadib markii uu horay u ciyaaray kulankii waxana uu ku laabanayaa kooxda Bayern Munich.
Dhanka kale, Weghorst ayaa ku laaban doona kooxda dhawaan ka soo baxday champions League ee Burnley oo ka ciyaari doonta premier League xilli ciyaareedka dambe.
Xaqiiqada ah in ayna Man United si toos ah ula wareegin xiddiga ayaan lama filaan ku ahayn dadka oo dhan marka la eego in uu xiddigu ku dhibaatooday goolka hortiisa hal gool-na u dhaliyay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Related