Man United ayaa guul ay u qalantay waxa ay gaareen Bournemouth kuwaasi oo guud ahaan kubadda ay ka hasyteen iyaga oo uga talaabsaday sedex gool oo nadiif ah .
Nasiinada waxaa lagu aaday hal gool oo uu saxiixay Casemiro , waxaana United qeybtaas hore ka dhaawacmay Van De Beek , iyadoo maamulka kubadda ay mararka qaar gaarayeen %70
Sidaas oo ay tahay kooxda Ten Hag waxa ay ka sheegteen qeybta hore in aysan dhiibin baasas saxan iyo asaarinta fursadaha iyadoo Bruno ahaa bilaa hindise qeybtaas
Kooxda Bournemouth waxaa dhankeeda ku adkaa in kubadda cagtooda ku daahdo iyo in ay horay u soo dhaqaaqaan taasi oo keeneysa in daafac ahaadaan
Soo laabashadii , Durba United gool ayay heleen waxaana lahaa Luka Shaw , United iyaga ayaan ku badnaa maamulka kubadda inkastoo fursado laga bad baadiyay Bournemouth waxaana sidaas sameeyay goolhaye DE Gea
Qeybta labaad , United is fahan ayaa ka muuqday , kubadana waa gaarsiinaeen aagga goosha kooxda kale balse daafaca ayaa foojignaa .
Garnacho waxa uu diray farriin ah in uu udna yahay in uu joogto u safto ka dib bandhigii wacnaa ee uu ku muuqday , waxa ayna United gool 3-aad ayay heleen waxaana saxiixay Rashford iyadoo sedexdaas gool ay ku dhamaatay ciyaarta.
guushaas waxa ay siisay United 35 dhibic iyadoo Newcastle soo qabtay balse weli boos-ka afaraad ayay ku jiraan