Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay Liverpool ka hor qaado saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in Ay Man United doonayso in ay ka faa’iidaystaan diidamada Liverpool ee ah in ay bixiso lacagta ay Bayern Munich ku iibinayso xiddiga.

Thiago Alcantara ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Bayern Munich xagaagan xilli ay Bayern Munich xaqiijisay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Thiago Alcantara ayaa doonaya in uu ku biiro Premier League gaar ahaan kooxda Liverpool si uu uga hoos shaqeeyo tababare Jurgen Klopp xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Liverpool ayaa ilaa haatan diidan lacagta 30-ka milyan ee ay Bayern Munich ku doonayso in ay ku iibiso xiddiga reer Spain.

Arintaas ayaa keentay in ay Man United haatan diirada saarto sidii ay Liverpool ugu garaaci lahayd saxiixa xiddiga khadka dhexe ee 29 jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here