
Manchester United ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaarto Sporting CP iyaga oo ka doonaya saxiixa Viktor Gyokeres iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.
Wararkan ayaa imanaya iyada oo Arsenal ku dhibaatoonayso in ay Sporting kala heshiiso qiimaha xiddiga reer Sweden.
Arsenal ayaa bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay xiddiga iyaga oo wadahadalo kula jira kooxda Sporting si ay ugala heshiiyaan qiimaha.
inkasta oo uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Arsenal, Hadana Kooxda ayaan wali kala heshiin kooxdisa qiimaha.
Wararka ka soo baxaya Portugal isbuucaan ayaa sheegaya in heshiiska uu ugu biirayo Arsenal halis weyn ku jiro.
Sida laga soo xigtay SIC Noticias, Man United ayaa wadahadalo kula jirta Sporting iyaga oo ogol in ay bixiyaan lacag ka badan lacagta ay Arsenal diidantahay si ay u helaan saxiixa xiddiga.
United ayaa balan qaaday heshiis ku kacaya 80 milyan oo euro iyada oo wargayska The Record sheegayo in ay labada kooxood ku dhawyihiin in ay heshiis buuxa gaadhaan.