Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Crystal Palace si ay ula soo wareegto goolhaye Jack Butland kaas oo ay ku doonayso amaah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Erik ten Hag ayaa doonaya inuu keeno Goolhaye 2-aad kadib markii uu Martin Dubravka ka tagay kooxda kuna laabtay Newcastle United todobaadkii hore isagoo soo afjaray amaahdii uu ku joogay Old Trafford.

Sida laga soo xigtay The Daily Telegraph, United ayaa haatan qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo Goolhayaha kooxda Crystal palace ee Butland.

29 jirkaan ayaa Palace kaga soo biiray kooxda Stoke City sanadkii 2020, laakiin waxa uu ka dambeeyaa Goolhaye Vincente Guaita kaas oo ah dookha 1-aad ee tababaraha kooxda Crystal palace.

Xiriirka Butland ee Selhurst Park wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka waxana uu wadahadalo kula jiraa United si uu qaab amaah ah ugu wareego Old Trafford.

Tababare Erik Ten Hag ayaa Jack Butland u doonaya in uu ku nasiyo Goolhaye David De Gea oo ah dookha 1-aad ee kooxda Man United xilli ciyaareedkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here