Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto in ay saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven Cody Gakpo ku garaaci doonto Liverpool isla markaas keeni doonto xiddiga suuqa january.

23 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xulka qaranka Holland ee koobka adduunka 2022, isaga oo dhaliyay saddex gool 3-dii kulan ee Group A ee uu qaranku la ciyaaray Senegal, Ecuador iyo Qatar.

Gakpo ayaa sidoo kale qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa PSV xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 9 gool 12 kalena caawiye ka noqday tartamada oo dhan.

Man United ayaa Gakpo u doonaysa badalka Cristiano Ronaldo oo isaga tagay kooxda waxana ay doonaysaa in ay la soo saxiixato xiddiga suuqa January.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay Man United ku kalsoontahay in ay saxiixa xiddiga ku garaaci doonto Liverpool kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here