Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddigaha Jack Grealish Iyo Dayot Upamecano inta lagu jiro xagaagan.

Xiddigaha Jack Grealish & Dayot Upamecano ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United xagaagan iyada oo Solskjaer doonayay in uu ku xoojiyo khadka dhexe iyo daafaca xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Man United ayaa go’aansatay in ay isaga hadhay xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish kadib markii ay la soo saxiixatay xiddiga Donny Van de Beek.

Dhanka kale Red Devils ayaa isaga hadhay baacsiga ay ugu jirtay daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano kadib markii uu heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here