Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa sabab u noqon kara in ay Red Devils shaqada ka caydhiso tababare Ole Gunnar Solskjaer sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer France ayaa mar kale si cad uga hadlay mustaqbalkiisa todobaadkii hore isaga oo qirtay in uu doonayo ku biirista kooxda Real Madrid.

Rabitaanka uu Pogba u muujiyay kooxda Zinedine Zidane ayaa u muuqda mid saamayn ku yeelanaya mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer ee Man United.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in ay Man United doonayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Ole Gunnar Solskjaer waliba booskiisa ku badasho Mauricio Pochettino.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in hadalkii dhawaan ka soo baxay Paul Pogba la macno tahay in ay kooxdu doonayso tababare saamayn ku yeesha xiddigaha kooxda.

Sidaas darted Pochettino ayay u arkaan mid awood u leh in uu xiddigaha jeclaysiiyo kooxda sidii uu sameeyay markii uu Tottenham joogay.

Sii Akhriso: Kenya Oo 3 Shardi Ku Xidhay In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Somaaliya

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here