Manchester United ayaa wadahadalo la furtay AS Monaco si ay u helaan xiddiga Axel Disasi.

Telefoot ayaa sheegaysa in United ay xiriir la samaysay Monaco si ay u hesho saxiixa daafaca Disasi oo 24 jir ah kana mid ahaa xulkii France ee gaadhay Final-kii koobkii adduunka.

Disasi ayaa sameeyay taariikhda koobkii adduunka isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee koobkiisii ugu horeeyay ciyaaray xulka qaranka France tan ilaa 1966.

Xiddiga Disasi ayaa xulka France u ciyaaray 100 kulan tan ilaa markii uu ku biiray kooxda Monaco.

Erik Ten Hag ayaa xiddiga u doonaya in uu ku xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Sidoo kale Bayern Munich ayaa la rumaysanyahay in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga reer France.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here