Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Diogo Dalot.
Diogo Dalot Ayaa ku jiray sanadkii ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Man United waxana uu xor noqon lahaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin Diogo Dalot ayaa haatan qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2028 ah oo uu ku sii joogi doono kooxda Man United.
Diogo Dalot ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan kooxda intii uu Erik Ten Hag yimid kooxda waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
“U ciyaarida Manchester United waa mid ka mid ah sharafyada ugu sareeya ee aad ku yeelan karto kubada cagta”ayuu Dalot Yidhi.
“Aad ayaan u koray, rabitaanka aan u qabo kooxdan cajiibka ah ayaa kordhay tan iyo maalintii aan ku biiray”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link