Man United ayaa la soo gashay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca midig ee kooxda Lyon Malo Gusto sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.

Chelsea ayaa bishaan suuqa galisay lacag ka badan 150 milyan oo euro iyaga oo xoojinaya kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Blues ayaa wali suuqa ugu jirta saxiix daafaca Midig ka ciyaara kadib dhaawacyada soo laab-laabanaya ee Reece James, kaasoo dhaawac jilibka ah uu saameeyay xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, United ayaa raadineysay inay xoojiso dhanka daafaca Midig iyada oo Erik Ten Hag dib u dhis ku wado kooxda.

Waxaa la fahamsan yahay in Chelsea ay haatanba wadahadalo la furtay kooxda Lyon si ay u helaan saxiixa xiddiga Gusto waxana ay ku kalsoon yihiin in ay Lyon kala heshiinayaan saxiixa xiddiga.

Laakiin sida laga soo xigtay RMC Sport, Manchester United ayaa sidoo kale ku jirta tartanka waxayna ka codsadeen xiddiga Gusto in u iska diido ku biirista chelsea isla markaas iyaga sugo si ay xagaaga ugu dhaqaaqaan saxiixiisa.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here