Manchester City Oo Amakaak Ay Ku Noqotay Talaabo Ay Qaaday Kooxda Liverpool & Sharaxaad Laga Bixiyay Sababta

Advertisements

Manchester City ayaa amakaak ay ku noqotay in Liverpol ay qeyb ka tahay dhowr kooxood oo isku dayaya in City laga horjoogsado inay ciyaarta Champions League inta dacwada racfaanka ah ay socoto.

City ayaa muddo labo sannadood ah laga mamnuucay tartamada Yurub ka dib markii ay ku xadgudbeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub, waxayna racfaan ka dhan ah go’aanka UEFA u gudbiyeen maxkamada sarre ee isboortiga CAS.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay Talaadadii in 10ka kooxood ee ugu sareeya oo ay ka baxsan yihiin City iyo Sheffield United inay warqad u qoreen maxkamada CAS iyagoo dalbanaya in City aan loo ogolaanin inay sii ciyaarta Champions League inta laga dhameystirayo racfaanka ay qaateen.

Warqada waxaa lagu qoray haddii City ay codsato in hakad la geliyo ciqaabteeda inta go’aanka racfaanka uu ka soo baxayo inay kooxaha si weyn uga soo horjeedaan.

Si kastaba, waxaa la fahamsan yahay in kooxda heysata Premier League inaysan weli codsigaas gudbinin.

Wargeyska Daily Express ayaa haatan qoraya in City ay la yaabtay in kooxda hogaanka u heysa horyaalka ee Liverpool inay qeyb ka tahay kooxaha warqada u gudbiyay maxkamada CAS.

Advertisements

City ayaa filaneysay in kooxaha iyaga ka hooseeya ee Premier League inay dalban doonaan in xaalada la kala cadeeyo, laakiin ma aysan fileynin in koox iyada ka sareysa ay ku lug lahaan doonto arintaan.

Waxaa jirta haatan fursad ah in dhageysiga racfaanka ay gudbisay Man City uu bilowdo bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII