Kooxda Man United ayaa guul ka gaadhay kooxda Wolves isla markaas guul ku soo xidhatay sanadka 2022 kadib kulan adag oo ay la ciyaartay kooxda Wolves.

Kooxda Wolves ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha iyaga oo Man United ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay United maamulaysay ciyaarta.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran inta badna ee ciyaarta iyada oo koox walba markeeda fursado samaynaysay isla markaas goolhaye walba la tijaabiyay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aanah in kasta oo ay labada kooxoodba fursado cajiib ah sameeyeen.

Man United ayaa qaybta dambe u muuqatay kuwo ka dar-dar badan qaybtii hore iyaga oo laba jibaaray weerarada ay ku qaadayeen koxda Wolves.

Dhinaca kale Woles ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah xilli ay raadinayeen in ay dhaliyaan goolka furitaanka ciyaarta

Daqiiqadii 76-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man United ayaa ixii intaas ka dambeeyay bilaabay in ay daafac galaan si ay u ilaashadaan goolka ay dhaliyeen.

Rashford ayaa mar kale dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa laga diiday sabab la xidhiidhay in uu gacanta ku taabtay waxana ay ciyaartu sii ahayd 1/0.

Wolves ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso bar-baraha iyaga oo De Gea ku qasbay in uu sameeyo badbaadino cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta o ay Man United guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Wolves siina waday guulaha xidhiidhka ah ee premier League.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here