Mario Balotelli ayaa sheegay in Inter Milan ay haysato koox ay ku garaaci karto Man CIty final-ka tartanka Champions Legaue.
Balotelli ayaa koobab la qaaday labada kooxood.
Weeraryahanka Sion ayaa yiri, “Inter waxa ay heysataa ciyaaryahano badan oo sameyn kara farqiga”.
“Laga bilaabo saaxiibkay wanaagsan Dzeko, laakiin sidoo kale ma iloobin Lukaku iyo Lautaro, goolkiisii labaad ee Fiorentina wuxuu ahaa mid qurux badan”.
“Waayo-aragnimadu waxay ii sheegaysaa inay fiican tahay inaad finalka soo gaarto adigoo ah kooxda aan loo saadaalinayn ku guulaysiga koobka”.
“Kooxda Pep Guardiola waxa ay ciyaartaa kubad qurux badan laakiin Inter waxa ay ciyaartaa kubad saamayn leh oo midho dhal leh”.
Related