Shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyay, tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa lagu weydiiyay hadii uu Lionel Messi u aaminsanyahay in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka kadib markii uu xuka Argentina kula guulaystay koobka adduunka.

“Way adag tahay in la yidhaahdo sidaas, waa ciyaartoy cajiib ah waxa uu soo qaatay xirfad cajiib ah, laakiin ma garan karo hadii uu yahay midka ugu fiican, sababta oo ah jiil walba waxa uu leeyahay xiddigohooda ugu fiican”

“Marna ma odhan karo Messi ayaa ah midka ugu fiican kubada cagta, ma odhan doona sidaas”ayuu Ancelotti u sheegay Mundo Deportivo.

“Waan ku raaxaystay dhamaan ciyaartooyada, aniguna haatan waxa aan la shaqaynayaa xiddig ku guulaystay Ballon d’Or, Benzema”.

“Waxa aan soo arkay Maradona, Cruyff iyo xiddigo kale oo badan, waxa aan ku soo raaxaystay ciyaartooda”.

Waxa xusid mudan in ayna arin layaaba ah ahayn in tababare Real Madrid ah diido in uu qirto in Messi yahay xiddiga ugu fiican adduunka sabab la xidhiidha in uu Messi u soo ciyaaray Barcelona.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here