Chelsea ayaa isha ku heysa inay heshiis la gaarto Romeo Lavia iyadoo Mauricio Pochettino uu qorsheynayo saxiixii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Tababaraha reer Argentine oo shaqadiisa tababaranimo ee England ka bilaabay Southampton ayaa doonaya in uu weerar ku qaado kooxdiisii hore kadib markii ay ka hadheen premier Leagu.
Lavia ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Southampton inkasta oo ay kooxdiisu dhibaatoonaysay waxana haatan la filayaa in uu isaga tago kooxda.
Chelsea ayaa xagaagii laga diiday dalab 50 milyan ah oo ay ku doonaysay saxiixa xiddga laakiin waxa ay haatan mar kale ku laabanayaan xiddiga.
Sida laga soo xigtay Express Sport, Blues ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada xiddiga waxana ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan xiddiga.
Blues ayaa uga mahad celinaysa saxiixa xiddiga, xiddigeedii hore ee Eden Hazard kaas oo xiddiga ku qancianay in uu ku biiro kooxda chelsea.
Related