Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu qalinka ku duugay heshiis saddex sano ah si uu u qabto shaqada tababaranimo ee kooxda Chelsea xagaagan.
Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur iyo Paris Saint-Germain ayaa la fahamsan yahay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Blues horaantii bishaan, isagoo doonaya inuu qabto shaqada xagaaga.
Pochettino ayaa hadda ugu dambayn saxiixay heshiiska si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda chelsea.
Tababare Potchettino ayaa la filayaa in uu bilaabo shaqada tababaranimo ee kooxda chelsea todobaadka dambe iyada oo uu tababaruhu saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.
51 jirkaan ayaa badali doona Frank Lampard kaas oo si ku meel gaadh ah u hayay kooxda chelsea kadib markii shaqada laga caydhiyay Graham Potter.
Potchettino ayaa ka shaqayn doona xoojinta kooxda suuqa xagaaga iyada oo kooxda lala xidhiidhinayo xiddigo dhawr ah oo kala duwan.

Related



Source link